Supporting information for parents (Somali)

Boloh: Khadka caawinta qoysaska Madowga, Aasiyaanka iyo Qoomiyadaha laga tirada badan yahay ah ee Caawinta-19

Macluumaadka Caawimaada Ee Loogu Talagalay Waalidiinta

Ku saabsan khadka caawimaada ee Boloh

Khadka caawimaada ee Boloh waa adeeg la bilaabay 1dii Oktoobar waxaana soo saaray Barnardo oo maalgelin ka heshay Hay'adda Qaranka ee Xaaladaha Degdegga ah. Khadka caawinta ayaa looga jawaab celinayaa saameynta masiibada cudurka faafa ah ee ku habsaday bulshooyinka Madowga, Aasiyaanka iyo bulshooyinka qowmiyad ahaan looga tirada badan yahay kuwaas oo si aan sinnayn ay saamaynta u soo gaartay.

Shaqaalaha khadka caawinta waa kuwo Madow, Aasiyaan iyo bulshooyinka qowmiyad ahaan laga tirada badan yahay ah, waxayna leeyihiin waayo-aragnimo xirfadeed oo ah inay bixiyaan adeegyada carruurta, dhallinyarada iyo qoysaskooda kuwaas oo ka socda bulshooyinkan.

Sideen qofka u caawin karnaa?

Ma waxaad tahay cunug, qof dhalinyaro ah, waalid ama daryeele Madow ah, Asiyaan ah ama ka soo jeeda Bulsho Qowmiyad ahaan laga tira badan yahay, oo uu saameeyay cudurka Covid-19? Haddii ay haa tahay, waxaa laga yaabaa inaad la soo kulantay murugo, khasaaro, shaqo la'aan, dhibaatooyin dhaqaale, aad ka welwelsan tahay waxbarashada ilmahaaga ama mustaqbalkiisa, ka walwalaysan tahay saaxiib ama qoys, walaacsan tahay oo aad walwal ka qabtid xayiraadaha jira. Intaas waxaa sii dheer, waxaa laga yaabaa inaad ka welwelsan tahay arrimo kale. Waxaad nagala hadli kartaa walwalkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo murugadaada inta lagu guda jiro xilligan waxaana ku siin karnaa taageero xagga shucuurta ah, talobixin wax ku ool ah iyo inaan kuu gudbino ururada kale ee ku siin kara caawimaad dheeraad ah.

Taageerada aan bixinno waxaa loogu talagalay adiga iyo ilmaha(carruurta) aad daryeesho. Waad na soo wici kartaa ama nagala sheekaysan kartaa adigoo adeegsanaya qeybta sheekeysiga ee laga heli karo websaydhkeena. Uma baahnid inaad nala wadaagto faahfaahintaada, laakiin haddii aad rabto in laguu gudbiyo kooxdayada daaweeyayaasha ama adeegyada kale, waxaan u baahan doonnaa inaan faahfaahintaada helno oo aan dadka kale la wadaagno adigoo bixinaya oggolaanshahaas. Waxaad sidoo kale weybsaydhkayaga ka heli kartaa talo waxtar leh oo ku saabsan arrimo kala duwan sida; badqabka shucuurta, taageerida qoysaska, murugada iyo khasaaraha.

Maxaa dhacaya markaad la xiriirto khadka caawimaada?

Waxaad jawaab kaheli doontaa Lataliyaha Khadka Caawimaada oo kaaala hadli doona waxa adiga iyo/ama ilmahaaga(carruurtaada) aad la kulmaysiin. Lataliyaha Khadka Caawimaada ayaa ku dhageysan doona oo kaa caawin doona inaad go'aan ka gaarto nooca taageerada iyo talada aad u baahan tahay. Haddii aad oggolaato, Lataliyaha Khadka Caawimaada ayaa kula soo xiriiri kara dhowr jeer oo wicitaano ah waxayna kuu qorsheyn karaan inay dib kuu soo wacaan waqti adiga kugu habboon.

Lataliyaha Khadka Caawimaada wuxuu idin qorsheyn karaa adiga iyo/ama ilmahaaga(carruurtaada) inaad la hadashaan mid ka mid ah dhakhtarada si aad u yeelataan lix kal-fadhiyo oo la-talin ah iyo kal-fadhiyo dheeraad ah ayaa la idin siin karaa haddii loo baahdo. Kulamada waxaa ay ka dhici doonaan telefoonka hal jeer ama laba jeer usbuuciiba, iyadoo kuxiran baahiyaha iyo duruufaha qoyskaaga. Kal-fadhiga koowaad iyo kan lixaad wuxuu noqon doonaa muddo 45 daqiiqo ah si loo sameeyo qiimeynta aasaasiga ah ee aasaasiga ah ee ku aadan seddex caqabadood oo muhiim ah oo qoyska ama shaqsigu la kulmayo, iyadoo kal-fadhiga ugu dambeeya looga hadlayo laguna xusayo horumarka laga sameeyay intii lagu jiray adeegga. Kalfadhiyada labaad ilaa shanaad, midkiiba 30 daqiiqo ah, waxay ka koobnaan doonaan taageero daaweyn ah si wax looga qabto caqabadaha muhiimka ah ee lagu xusay kalfadhigii koowaad.

Caawimaada ma lagu bixin karaa luqado kala duwan?

La-taliyayaasha Khadkeena Caawimaada waxay adeegga ku bixin karaan Ingiriisi, Urdu, Hindi, Mirpuri iyo Punjabi. Bisha Diseembar 2020, luqadaha la heli karo waa la ballaadhin doonaa oo waxaa ku jiri doona luuqada Amxaariga iyo Tigrinya iyo turjumaanno ayaa lagu bixin karaa luuqadaha kale. Kulamada daaweynta waxaa lagu bixin karaa luqadaha soo socda: Ingiriisiga, Bengaali, Hindi, Faransiis, Punjabi iyo Giriig.

Kiisas tusaalooyin ah

Daraasadaha kiisaska ah waxay bixiyaan tusaalooyin ku aadan sida Khadka Caawimaada Boloh ay u bixin karto taageero.

Martha waa hooyo qabta laba dhalinyaro ah oo dhigta dugsiga sare ee deegaanka. Martha waxay bilowday inay ka walaacdo wiilkeeda 15 jirka ah ee bilaabay inuu diido inuu dhigto iskuulka maxaa yeelay wuxuu ka baqayaa inuu soo gaadho/qaado cudurka korona-fayras. Martha ayaa arrintan kala hadashay macalinka wiilkeeda waxaana la siiyay lambarka Khadka Caawimaada ee Boloh si ay caawimaad ugu raadsato.

Martha waxay la xiriirtay Khadka Caawimaada waxayna lahadashay Naz oo ah Lataliyaha Khadka Caawimaada. Martha waxay waxyaabaha soo socda la wadaagtay Naz: “Wiilkaygu wuxuu maqlay in dadka madow ay u badan tahay inay u dhintaan cudurka Covid hadana wuxuu la dhibtoonayaa walaac. Wuxuu na weydiinayaa inaan dhimaneyno iyo in kale mana rabo inuu ka baxo guriga si uu iskuulka u aado. Runtii waan ka walwalsanahay mana naqaano waxa aan sameyno. ” Dhowr wicitaano kadib, Naz waxay lashaqeysay Martha si ay ugala hadasho cabsida iyo walwalka ay ka qabto wiilkeeda waxayna ogolaatay in wiilkeedu daaweyn latalin ah uu la yeesho dhakhtarka si uu ugala hadlo walwalkiisa iyo walaacyadiisa. Martha iyo wiilkeeda labaduba waxay bilaabeen inay helaan kal-fadhiyo la-talin ah oo gooni-gooni ah oo ay la yeelanayaan dhakhtarka. Wiilka Martha wuxuu ku dhow yahay inuu iskiis u maareeyo walaacyada ku aadan Covid-19 ee uu qabay.

Kiisas tusaalooyin ah

Kalhon wuxuu la xiriiray Khadka Caawimaada isagoo isticmaalaya qeybta sheekada/qoraalka websaydhka kadib markii uu arkay qoraal ku qoran boggiisa Facebook. Wuxuu sheegey in markii hore la geliyey fasax aan mushahaar lahayn ka dibna laga dhigay shaqo la'aan. Wuxuu ka walwalsan yahay inuu awoodi waayo inuu iska bixiyo kirada iyo inuu cunto u iibiyo qoyskiisa. Intii lagu guda jiray wadahadalka webka ee uu la yeelanayay Lataliyaha Khadka Caawimaada, wuxuu codsaday Lataliyaha Khadka Caawimaada inuu soo waco si uu ugala hadlo xaaladihiisa. Sara, Lataliyaha Khadka Caawimaada, waxay la xiriirtay Kalhon waxayna ka wada hadleen xaaladiisa. Sara waxay ka qaadatay dhammaan macluumaadka waxayna oggolaansho ka heshay Kalhon oo ah inay sameyn doonto waxoogaa weydiimo ah oo ku aadan adeegyada Barnardo iyo ururada kale kuwaas oo caawin kara isaga. Sara waxay lahadashay dhowr adeeg oo deegaanka ka jira halkaas oo Kalhon uu ku noolyahay waxayna ka shaqaysay inay ogaato adeegyada muhiimka ah ee ugu fiican ee lagu caawin karo Kalhon iyo qoyskiisa. Sara ayaa markaa kadib macluumaadkan la wadaagtay Kalhon, isaga wuxuu xiriir la sameeyay hay'ad samafal oo deegaanka ka jirta taas oo isaga iyo qoyskiisaba siisay taageero.

Himiladayadu waa inaan aragno Carruurta iyo Dhalanyerta Madowga, Aasiyaanka iyo Qoymiyadaha laga tirada badan yahay ka soo jeeda oo yeelanaya awood ay uga jawaab celiyaan caqabadaha aafada iyo wixii ka baxsan.  Waxaan aad u jeclaan lahayn inaan kula shaqeyno si aan u gaarno himiladan, markaa fadlan nala soo hadal haddii aad u baahan tahay caawimaad adiga oo nagala soo xiriiraya:

Taleefan bilaasha ah: 0800 151 2605

Iimayl: Boloh.helpline@barnardos.org.uk

Websaydh: https://helpline.barnardos.org.uk/