Boloh - Somali

Ku soo dhowow Boloh, oo ah khadka caawimaada COVID-19 ee Barnardo iyo websaydhka qoraalka ee loogu talagalay kuwa 11+ jirka ah

Naga soo wac 0800 1512605 ama nagala sheekeysao khadka tooska ah

Ma waxaad tahay cunug, qof dhalinyaro ah, waalid ama daryeele Madow ah, Asiyaan ah ama ka soo jeeda Bulsho Qowmiyad ahaan laga tira badan yahay, oo uu saameeyay cudurka Covid-19? Waxaad nagala hadli kartaa walwalkaaga, dhibaatooyinkaaga iyo murugadaada inta lagu guda jiro xilligan waxaana ku siin karnaa taageero xagga shucuurta ah, talobixin wax ku ool ah iyo inaan kuu gudbino ururada kale ee ku siin kara caawimaad dheeraad ah. 

Haddii aad xirfadle tahay, sidoo kale waad nala soo xiriiri kartaa si aan uga hadalno sidii loo taageeri lahaa canug ama dhallinyaro aad la shaqeynayso.

Nala hadal

Waxaan diyaar u nahay in nalala hadalno Isniinta-Jimcaha, laga bilaabo 1pm-8pm.

Luuqado badan, Boloh waxaa loola jeedaa hadal

Haddii uu ku saameeyey cudurka safmareenka ah oo aad u baahan tahay talo ama qof aad la hadasho, waxaad si qarsoodi ah nooga soo wici kartaa 0800 1512605 ama, haddii aad doorbideyso inaad khadka tooska ah kula sheekaysato la-taliyaha taageerada oo takhasus u leh arrinta, waxaad sidaas ku samayn kartaa adigoo isticmaalaya qeybta sheekeysiga tooska ah ee websaydhka adigoo gujinaya astaanta ku taala dhinaca midig ee hoose. Shaqaalaheena tababaran waxay sugayaan wicitaanada taleefankaaga ama qoraalkaaga Isniinta-Jimcaha, laga bilaabo 1pm-8pm.

Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawinno haddii aad la kulantay murugo, caafimaad darro, caajis ama aad ka walwalsan tahay xayiraadda, aad dareemayso go'doon, aad ka walwalsan tahay asxaabta ama qoyska, aad ka welwelsan tahay dhaqaalahaaga, shaqo la'aanta, aad la kulantay u xoogsheegad ama cunsuriyad, arrimaha la xiriira guri la'aanta ama guri ka saarista, aad ka walwalsan tahay ku noqoshada iskuulka/jaamacada ama arrimo kale. Kooxdayada dhakhaatiirta cilminafsiga ee takhasuska leh ayaa ku siin kara taageero joogto ah inta lagu jiro waqtigan adag.

Taleefanka, lataliyayaashayada khadka caawimaada ayaa kugula hadli kara Ingiriis, Urdu, Punjabi ama Hindi.

Dhakhaatiirta cilminafsiga waxay ku siin karaan taageero daaweyn ah iyadoo isticmaalaya af Ingiriis, Hindi, Bengaali, Faransiis iyo Punjabi.